Featured, Arrimaha Siyaasada
Laanta Dambi Baarista Oo Gacanta Kusoo Dhigtay Nin Ku Eedeysan Inuu Geystay Dil
Laanta dambi baarista ciidanka booliska Soomaaliya ee CID ayaa baadi goob dheer kaddib ku guuleystay in ay gacanta kusoo dhigaan nin looga shakisanyahay in uu dhawaan dil u geystay haweeney lagu magacaabo Suleekha Yuusuf Axmed.
Sida aannu kasoo xigannay taliye xigeenka ciidamada booliska Soomaaliyeed sarreeye guuto Zakiya Xuseen Axmed ninka ku eedeysan dilka ee ay ciidamadu soo qabteen ayaa lagu magacaabaa Bishaar Cabdirisaaq Maxamed.
Dhowr cisho ka hor ayay ahayd markii meydka Suleekha laga helay hotel ku yaalla agagaarka isgoyska Baar Ubax ee degmada Hodan.
Ninka looga shakisanyahay dilka haweeneydan ayaa la sheegay in uu muddo xariir kala dhexeeyay marxuumadda hase yeeshee ugu dambeyn sababay in loo maleego shirqool lagu khaarijinayo nafteeda.
Dhinaca kale guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (yariisoow) oo ka warbixinayay shirka amniga ee caasimadda ayaa ayaa si weyn ugu mahad celiyay dadka ku dhaqan degmada Hodan oo uu sheegay in laamaha ammaanka ay ka gacan siiyeen xogo muhim ah oo ku aaddan halka uu ku dhuumaaleysanayay ninka ku eedeysan dilka marxuumad Suleekha.
Bishaar ayaa la filayaa in dhawaan uu kasoo hor muuqdo maxkamad ku qaadda kiiska loo heysto.
Recent Comments