Featured, Arrimaha Siyaasada
Saraakiil Kenyaan ah oo lagu laayay Libooyo
Ugu yaraan 11 ka mid ah saraakiisha Booliska Dalka Kenya ayaa lagu dilay weerar Miino ahaa oo ka dhacay duleedka degaanka Libooyo ee sohdinta Soomaaliya iyo Gobolka Soomaalida ee ay Kenya Maamusho.
Qarax Miino oo ka geliyay Jidka dhinaciisa ayaa la kacday Kolonyo Ciidamada Kenya ah oo marayay Waddada Dhamajaale oo banaanka ka ah Libooyo.
Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska Dalka Kenya Hillary Mutyambai, ayaa xaqiijiyay in weerarku ahaa Miino loo dhigay Kolonyada kaddibna ku qaraxday sababtayna dhimashada Askarta badan.
Waxaa uu sheegay in sidoo kale Askari kale ay ku dhaawacmeen weerarkaas kuwaas oo lagu qaaday Gaadiidka Ciidanka si caafimaad loogu raadiyo.
Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka ka dhanka ahaa Ciidanka Kenya islamarkaana sababay dhimashada 11ka Sarkaal.
Weerarrada ka dhanka ah Ciidanka Kenya ee ka dhaca Gobolka Soomaalida ayaa sii xoogeysanaya iyada oo dowladda Kenya qarashka ugu badan uu kaga boxo dhinaca amaanka gaar ahaanna dagaalka ka dhanka ah waxa ay ugu yeerto argagixisada.
Recent Comments