Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
Somaliya iyo Qadar oo diiday Bayaan ka soo baxay Jaamacadda Carabta
Waddamada Soomaaliya iyo Qadar ayaa iska diiday Bayaan ka soo baxay Jaamacadda Carabta oo ka dhan ah Dowladda Turkiga.
Bayaankan ayey Waddamada Jaamacadda Carabta waxaa ay ku cambaareeyeen weerarka Ciidamada Turkiga ay ku galeen dalka Syria ee ka tirsan Ururka Jaamacadda Carabta.
Labada dal ee Soomaaliya iyo Qadar ayaa diiday in ay qeyb ka noqdaan war-saxaafadeedka Cambaareynta ka dhanka ah Turkiga ee ay soo saareen Jaamacadda Carabta.
Kulan deg deg ahaa oo ay shalay Golaha Wasiirrada arrimaha dibadda ee Jaamacadda Carabta ku yeesheen Dalka Masar ayaa waxaa ay ku sheegeen faragelinta Syria mid qatar ku ah amniga dadka Carabta ah ee Syria.
Axmed Abul Geyd oo ah Guddoomiyaha Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in dagaalka Turkiga uu ku galay Syria uu yahay faragelin qaawan oo ka dhan ah dhul Carbeed.
Labanan iyo Ciraaq ayaa iyaguna ku baaqay in Jaamacadda Carabta ogolaato in Dalka Syria lagu soo celiyo xubnimadiisa Jaamacadda Carabta ee hakadka la geliyay sanadkii 2011kii.
Recent Comments