Featured, Arrimaha Siyaasada
Waa kuma Dhaqtarka Mareykanka ku caawiyey dilkii Bin Laadin?
Dr Shakil Afridi oo u dhashay Bakistaan ahaana dhaqtarka CIA-da Marekanka ku caawiyey helidda dhismaha uu deganaa hoggaamiyihii Al Qaacidda Osmana Bin Laden ayaa qaatay Racfaan kadhan ah xukun kudhacay, waana markii Koowaad ee ay Maxkamaddu si furan uga doodeyso arrinta Dr Shakil Afridi.
Kiiska Dhaqtarkan ayay muddeysay Maxkamddu illaa 22-Oktober-2019 iyada oo la raaciyo codsiga xeer illaalinta guud, kaalintii uu ku lahaa fududeynta dilka Osma ayaa sababtay dhibaato weyn oo gaartay Waddanka Bakistaan taas oo kusaabsan xiriirka Bakistaan iyo Mareykanka, Dr Shakil Afridi ayaa sheegay in uusan helin garsoor Caddaalad ah.
Dhaqtar Afriiddi si rasmi ah looguma eedeyn kaalintii uu ku lahaa dilka Afriiddi sanadkii 2011.
Xarigga Dr Shakil Afridi ayaa kiciyey caro aad u weyn, waxa ayna gaartay in Mareykanku kajaro Bakistaan 33 Milyan Kaalmada uu siiyo Bakistaan, taas oo u dhiganta hal milyan dolar sanad walba oo kamid ah xukunka ku dhacay Dr Shakil Afridi.
Recent Comments