Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Al-shabaab Oo Ka Hadlay Weerarkii Xerada Xalane

Posted: October 14, 2019 at 7:16 am   /   by   /   comments (0)

Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ayaa war ka soo saaray weerar shalay duhurnimadii ay ku qaadeen xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Al-shabaab waxaa ay sheegteen in weerarkaas ay ku dileen lix qof oo labo ka mid ah ay ahaayeen ajaanib caddaan ah,waxaana ay intaas ku dareen in shan qof oo kale ay ku dhaawacmeen.

Waxaa kale oo ay sheegteen in weerarka ay ku qaadeen xerada xalane ee saldhigga u ah AMISOM iyo Qaramada Midoobey ay u adeegsadeen 9 Gantaal.

Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan oo ka hadlay weerarkaas ayaa cambaareeyay waxaana uu sheegay in weerarka ay ku dhaawacmeen 7 qof oo ay ku jiraan shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobey, Ciidamada AMISOM iyo dad Soomaali ah oo gudaha ku sugnaa.

Hay’adaha amaanka ee dowladda Federalka ah ee Soomaaliya wali kama hadlin halka laga soo tuuray Hoobiyayaasha ku dhacay gudaha Xerada Xalane ee sababay khasaaraha kala duwan.

1dii January sanadkan 2019 ayey sidaas oo kale Al-shabaab weerar ku qaadeen Xerada Xalne ee saldhigga u ah AMISOM iyo Qaramada Midoobey,waxaana xilligaas ku dhaawacmay shaqaale ka tirsanaa qaramada Midoobey iyo qof lagu sheegay Qandaraasle la shaqeynayay UNka.

Xilligaas Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in Hoobiyayaashii lagu weeraray Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho laga soo tuuray meel duleedka ka ah Degmada Kaxda ee Magaalada Muqdisho.