Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Sarkaal ka goostay Al-shabaab oo lagu dilay Kismaayo

Posted: October 14, 2019 at 7:23 am   /   by   /   comments (0)

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee dowlad Goboleedka Jubaland ayaa sheegaya in halkaas lagu dilay sarkaal hore uga tirsanaa Al-shabaab.

Ninka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Cumar Yaqiinudiin,waxaana uu ahaa sarkaal ka tirsan xafiiska dacwada Al-shabaab.

Sanad ka hor ayuu ka goostay AL-shabab,waxaana uu ku noolaa Magaalada Kismaayo, xilligii la dilayay waxaa uu ka baxayay Masaajid ku yaalla Magaalada Kismaayo.

Koox hubeysan ayaa ku toogtay banaanka Masaajidka halkaas oo uu ku nafbaxay,waxaana meydkiisa halkaas ka qaaday dadka degaanka.

Bilihii July,August iyo September waxaa Magaalada Kismaayo lagu dilay nabaddoono u dhashay Jubaland kuwaas oo dilalkooda lagu eedeeyay maamulka Jubaland.

Maamulka Jubaland ayaa isaguna eedda dilalkaas dusha ka saaray Al-shabab,iyada oo ilaa hadda aysan jirin cid loo qabtay dhamaan weerarradii kala duwanaa ee ka dhacay Kismaayo.

Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa 12kii Bishan lagu caleema saaray Magaalada Kismaayo munaasibad ay ka qeybgaleen Madaxdii hore ee dalka, Hoggaamiyayaal mucaarid ah iyo hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Dalka Kenya Adam Barre Ducaale.

Dowladda Federaalka ah iyo Beesha Caalamka ayaa ka soo horjeestay natiijada doorashadaas ka dhacday Magaalada Kismaayo,waxaana caleema saarkii Axmed Madoobe ka maqnaa Beesha Caalamka iyo dowladda Federaalka ah,kaliya waxaa dowladda Federaalka uga qeybgalay Abshir Bukhaari oo ah guddoomiye ku xigeenka aqalka sare ee Soomaaliya.