Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
Axmed Madoobe Oo Wadahadal Ugu Baaqay DFS
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa waxaa uu munaasibad sagootin ah u qabtay martidii uu ku casuumay xafladdii caleemasaarkiisa ee ka dhacday magaalada Kismaayo.
Axmed oo khudbad uu halkaas ka jeediyay kaga hadlay dhinacyo kala duwan ayaa xoogga ku saaray khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada, dagaalka AL-shabaab iyo sida looga gudbi karo qabyo qoraalka dastuurka.
Waxaa uu dowladda Federaalka ah ugu baaqay in ay faragelinta ka dayeso dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah.
Dowladda dhexe ayuu ugu baaqay in ay wada shaqeeyaan islamarkaana wixii madmadow ah meel la iska dhigo.
Waxaa kale oo uu Axmed Madoobe sheegay in uu diyaar u yahay wadahadal uu la galo dowladda dhexe islamarkaaana ay ku kala baxaan dastuurka dalka u yaalla qola kastana qaadato wixii uu dastuurka siiyo.
Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah ayuu ugu baaqay wadashaqeyn dhexmarta kaddibna ay la shaqeeyaan dowladda Federaalka ah.
Axmed Maxamed Islaam ayaa sidoo kale ku baaqay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah AL-shabaab islamarkaana aanay dhicin dhacdadii 14ka October oo kale, isaga oo ka digay isku mashquulka dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada in ay ka faa’ideysan karaan AL-shabaab.
Ugu dambeyn waxaa uu u mahadceliyay dadkii ajiibay caleemasaarkiisa ee kala qeybgalay islamarkaana Kismaayo joogay muddo ka badan 5 Habeen.
Dowladda Federaalka ah iyo Beesha Caalamka ayaan ka qeybgeli Caleemasaarka Axmed Madoobe maaddaama labadaba ay shaaciyeen in aysan aqoonsayen natiijada doorashada uu ku soo baxay Axmed Madoobe.
Recent Comments