Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
Xildhibaannada Hirshabelle Oo Lagu Kari La’ Yahay Tagista Jowhar
Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed ayaa Xildhibaannada xubnaha ka ah dowlad Goboleedkaas ugu baaqay in ay si deg deg ah ugu laabtaan Magaalada Jowhar.
Guddoomiye Cismaan Barre ayaa sheegay in dib loo amba qaadayo howlaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle sidaas darteedna ay tahay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku tagaan Magaalada Jowhar.
Dhinaca kale waxaa uu Dadweynaha Magaalada Jowhar ugu baaqay in ay ka qeybqaataan amaanka islamarkaana la shaqeeyaa hay’adaha maamulka si amniga loo xaqiijiyo.
Magaalada Jowhar maalmihii la soo dhaafay waxaa ka dhacayay falal amniga liddi ku ah waxaana ugu dambeeyay weerar Habeen hore lagu dilay Guddoomiye ku xigeenkii amniga Gobolka Shabeellaha dhexe iyo wiil uu dhalay kaddib markii Bam lagu tuuray Guri ay ka degganaayeen Magaalada Jowhar.
Intaas kaddib Ciidamada amaanka ayaa howlgal culus ka fuliyay Magaalada Jowhar waxaana ay ku xir xireen dad badan oo ku jira xabsiga Magaalada Jowhar.
Dadka magaalada oo howlgalkaas u arkayay in uu u dhacay qaab aan sharci ahayn ayaa banaanbax ka dhigay Magaalada Jowhar kaas oo ay uga soo horjeedaan sida Booliska Hirshabeelle ula dhaqmayaan dadweynaha Magaalada.
Booliska ayaa Xasbiga dhigay mid ka mid ah Wariyayaasha ka howlgala magaalada oo banaanbaxaas tebiyay,waxaana Taliyaha Booliska lagu eedeeyay in uu amray toogashada suxufiyiinta.
Recent Comments