Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Maraakiib laga leeyahay Iraan, Pakistan iyo Hindiya oo xaaluf ka wada biyaha Somaliya

Posted: October 16, 2019 at 7:13 am   /   by   /   comments (0)

Maraakiib Kalluumeysi oo laga leeyahay dalalka Iraan, Pakistan, iyo Hindiya ayaa waxaa ay kalluumeysi sharci darro ah ka wadaan biyaha Soomaaliya.

Maraakiibtaas ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay xaaluf ku hayaan nooc ka mid ah noolaha Badda Soomaaliya oo ay mamnuuc tahay in la qaato kuwaas oo ay Maraakiibtaas qaataan.

Wasiirka Kalluumeysiga Maamulka Puntland Faarax Cawaash ayaa sheegay in 18 Markab oo uu shaaciyay magacyadooda ayaa sheegay in Maraakiibtaas ay dhibaato badan ku hayaan Biyaha Soomaaliya.

Waxaa uu Faarax sheegay in wasaaradda Kalluumeysiga Puntland iyo midda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iska wareysteen Maraakiibtaas islamarkaana labada wasaaradood aysan wax ogolaansho ah siinin.

Faarax Cawaash ayaa intaas ku daray in Ciidamo gaar ah u diyaariyeen soo qabashada maraakiibtaas islamarkaana loo istaagayo meelaha ay maraan.

Wasiirku waxaa uu intaas raaciyay in Maraakiibtaas ay wataan Calamada dalalkaas, in la soo qabtana ay ka caawinayaan satellite-ka sidaas darteedna ay rajo wanaagsan ka qabaan in gacanta lagu soo dhigo.

Maraakiibtaas ayuu sidoo kale sheegay in dowladda Federaalka ah ay dacwad ka dhan ah gudbisay islamarkaana meelkasta oo caalamka ah aysan ka iibin karin kalluunka ay ka xadeen biyaha Soomaaliya.