Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Trump Oo Kulan Taariikhi Ah La Yeeshay Kim Jong Un

Posted: June 30, 2019 at 11:47 am   /   by   /   comments (0)

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump iyo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa maanta kula taariikhi ah ku yeeshay xadka millatariga ka caaggadan ee kala qeybiya labada Kuuriya.

Madaxweyne Trump oo uu wehlinayo Kim ayaa u tallaabay dhanka Kuuriyada Waqooyi taasoo ahayd tallaabo uusan horay u samayn madaxweyne Mareykan ah oo xilka haya  tan iyo markii uu dhacay dagaalkii labada Kuuriya.

Sidoo kale madaxweyne Kim ayaa isna taa badalkeeda usoo tallaabay dhanka Kuuriyada Koonfureed.

Madaxweyne Kim ayaa kulankan ku tilmaamay mid qurux badan oo uusan horay u filanayn in madaxweyne Mareykan ah uu kula kulmayo mandiqaddan.

Trump oo horay lahjad adag ugu gooddiyay Kuuriyada Waqooyi ayaa iminka muujinaya dabacsanaan .

Labada nin ayaa isku arkay Vietnam, bishii Febraayo ee sanadkan iyagoo ku guul darreystay in ay heshiis ka gaaraan waxa laga yeelayo hubka nukliyeerka Kuuriyada Waqooyi.

Siyaasiyiin badan oo mareykan ah ayaa la yaaban go’aanka Donald Trump, uu ku doonayo in uu ku soo xero geliyo hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya,  Kim Jong Un, kuwaas oo u arka aragtida Trump in aysan wadadeedii heysan.

Qorshaha uu Mareykanku ku doonayo in la burburiyo hubka nukliyeerka Kuuriyada Waqooyi ayaa qeyb ka ah dadaallada caalamiga ah ee dunida lagu nabadeeynayo, waxaase shaki xooggan laga muujinaya sida dalkaas looga dhaadhici karo in uu ka tanaasulo barnaamijkiisa Nukleyrka.