Featured, Arrimaha Siyaasada
Ciidan Ka Tirsan DFS Oo Lagu La’ Yahay Xeebaha Marka
Ugu yaraan shan ka mid ah Ciidamada 14ka October ayaa lagu la’yahay Badweynta Hindiya kaddib markii doon ay la socdeen kula qallibantay xeebta degaanka Cadcaddeey ee Gobolka Shabeellaha hoose.
Waxaa sidoo kale la soo badbaadiyay 12 Askari oo uu ka mid yahay Taliyaha Ciidanka 14ka October Cismaan Muuse.
Ciidamadan ayaa la sheegayaa in ay doon ka raaceen Muqdisho iyaga oo ku siijeeday Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha hoose.
Adeegsiga Doonta ayaa timid kaddib markii waddada Berriga ah ay Al-shabab Miinooyin ka buuxiyeen islamarkaana dhowr jeer ku dhinteen saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya.
Ciidamada 14ka October ayaa waxaa ay AL-shabaab ka saareen Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha hoose waxaa ay sidoo kale qeyb ka ahaayeen howlgalladii lagu qabtay Bariirre, Sabiib, Caanoole iyo Awdheegle oo dhamaan ka wadatirsan Shabeellaha hoose.
Ciidanka 14ka October ayaa waxaa la aas aasay kaddib weerarkii 2017 ka dhacay Isgoyska Soobe oo ay ku dhinteen dad ku dhow 600 oo qof.
Recent Comments