Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
450 Kun Qof Oo Ka Barakacay B/weyne
Maamul Goboleedka Hirshabeelle ayaa sheegay in kumanaan dad ah oo degganaa Magaalada Beledweyne ay ka barakaceen Magaaladaas.
Wasiirka Gargaarka Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in Wabiga Shabeelle oo ka sarreeya Magaalada uu Fatahaad sameeyay taasina ay sababtay in afarta Xaafadood ee Magaalada ay barakacaan.
Roobka Deyrta ayuu sheegay in 17kii Bishan October ay fatahaadda ka billaabatay Beledweyne taas oo sababtay in Magaalada ay ka barakacaan ku dhawaan nus Malyuun qof oo deggan.
Cabdi Mahad Qoorgaab ayaa sheegay in inta sidoo kale Roobka Deyrta uu si weyn uga da’ay Magaalooyinka Buulo Burte,Jowhar iyo degmooyin kale oo ka tirsan Hirshabelle.
Dadka Magaalada Beledweyne ayaa u kala barakacay labada dhinac ee Magaalada waxaana ay dadku raadsadeen dhulka ka sarreeya Wabiga ee hareeraha Magaalada ku yaalla.
Goobahaas ayey tageen iyaga oo aan ilaa hadda helin wax gargaar ah oo ay kaga samata baxaan Roobka Deyrta oo wali lagu guda jiro.
Recent Comments