Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda Federaalka oo Hay’adaha samafalka ku wargelisay in ay ka jawaabaan fatahaadaha

Posted: October 22, 2019 at 6:44 am   /   by   /   comments (0)

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa ay hay’adaha samafalka ee ka howlgala SOomaaliya ka dalbatay in ay si deg deg ah uga jawaabaan Fatahaadaha Wabiyada Jubba iyo Shabeelle ka sameynayaan Gobollada Dalka.

War- ka soo baxay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ayaa lagu sheegay in dowladdu ay ka walaacsantahay sare u kaca biyaha wabiyada iyo Roobka Deyrta oo si xoog leh uga da’aya dalka.

Wasaaraddu waxaa ay sheegtay in meelaha qaar dadka ay iskood u barakaceen iyaga oo ka baqaya fatahaadda wabiyada,Magaalada Beledweyne ayey wasaaraddu sheegtay in 12,000 oo qof ay iskood u barakaceen.

Dowladdu waxaa ay sheegtay in Gobolka Gedo oo bilo ka hor ay abaar darani ka jirtay uu hadda wajahayo Daadad ka dhasha Roobka Deyrta.

Wasaaradda ayaa Hay’adaha Caalamka ee kaalmeeya Soomaaliya ka dalbatay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay waq uga qabtaan xaaladda deg degga ah ee dalka ka jirta.