Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
Xoghayaha Urur Goboleedka IGAD Oo La Magacaabay
Ra’isalwasaaraha Dalka Itoobiya Abiye Axmed ayaa magacaabay Xoghayaha guud ee Urur Goboleedka IGAD oo waayadii dambe khilaaf ka taagnaa.
Xilka Xoghayaha IGAD ayaa loo magacaabay Workeneh Gebeyehu, oo ahaa Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda dalka Itoobiya.
Abiye ayaa warqaddiisa magacaabista ku sheegay Workeneh Gebeyehu, uu noqonayo xoghayaha IGAD islamarkaana uu beddelay Maxbuub Macalin oo u dhashay Dalka Kenya.
Xilka Xoghayaha IGAD waxaa muddo dheer heysay Kenya ,waxaana hadda beddelay Itoobiya, halka Itoobiyo oo muddo dheer heysay Guddoomiyaha IGAD u wareejisay Kenya.
Bisha soo socota ayaa shirka IGAD ee ka dhacaya Nairobi lagu wadaa in Abiye Axmed uu xilka Guddoomiyaha IGAD ku wareejiyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.
Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaan ku qanacsaneyn xilalka IGAD ee ay kaliya qeybsanayaan Itoobiya iyo Kenya,waxaana dhawaan arrintaas diidday Jabuuti, kaddibna ra’isalwasaaraha Itoobiya ayaa booqasho ku tagay dalka Jabuuti.
Xilka Xoghayaha Guud ee IGAD waa muddo afar sano ah sida ka muuqata warqadda Abiye Axmed ku magacaabay Workeneh Gebeyehu.
Recent Comments