Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Xildhibaankii Uu Dhaawacay Guddoomiyaha Warsheekh Oo Dhintay

Posted: October 24, 2019 at 10:52 am   /   by   /   comments (0)

Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho waxaa ku geeriyooday Xildhibaan Xasan Cali Xasan oo ka mid ahaa Golaha degaanka Magaalada War-sheekh ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Xildhibaanka ayaa waxaa horay u dhaawacay Guddoomiyaha Degmada War-sheekh Xasan Xaaji Maxamed, kaas oo xilligii uu dhaawacayay la barayay sida loo adeegsado Baskooladaha.

Dhaawaca Xildhibaanka ayaa markii hore la geeyay Isbitaalka Keysaneey ee Degmada Kaaraan,hayeeshee waxaa loo wareejiyay Isbitaalka Madiina halkaas oo uu xalay ugu geeriyooday dhaawicii soo gaaray.

Sheekada Xildhiabaanka la dhaawacay ayaa soo if baxday 19kii September markaas oo inta badan warbaahintu ogaatay in Xildhibaanka uu ku dhaawacmay Baskoolad uu barayay Guddoomiyaha Golaha degaanka degmada War-sheekh oo ay xabad uga fakatay.