Xulashada Tafatiraha, Featured
Guddiga QM u qaabilsan cunaqabateynta hubka oo eedeyn u jeediyay Soomaaliya
Guddiga la socodka Cunaqabateynta Hubka ee saaran Soomaaliya ayaa dhaliilay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaana ay soo jeediyeen in dib u habeyn lagu sameeyo cunaqabateynta saaran Soomaaliya.
Guddiga oo Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey uga warbixinayay xaaladda cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Federaalka ah ay ku fashilantay in ay guddiga kala shaqeeyso howlaha la socodka cunaqabateynta.
Waxaa ay sheegeen in cunaqabateynta dhinaca dhuxusha Soomaaliya qeyb ahaan guul laga gaaray islamarkaana aysan jirin wax dakhli ah oo AL-shabaab ka hesho Dhuxusha laga dhoofiyo Soomaaliya.
Guddiga ayaa ku baaqay in la casriyeeyo cunaqabateynta saaran Soomaaliya maaddaama inta badan Hubka ay Al-shabaab u adeegsato weerarrada ay ka fuliso gudaha Soomaaliya iyo dalalka deriskaba ay iyada sameysato islamarkaana adeegsato maaddooyin kiimikaad oo siyaabo kale looga faa’ideysto loona dhoofiyo Soomaaliya.
Waxaa ay ku baaqeen in dib u carsiyeynta cunaqabateynta lagu daro waxyaabaha sahli kara in AL-shabaab ay hub ka sameysayo islamarkaana qatarta Gobolka saameynta ku yaalan kara.
Xubnaha Guddiga oo mid mid Golaha ammaanka warbixin u siinayay ayaa waxaa hadalladooda ka mid ahaa;
1-Jonathan Guy Allen (United Kingdom): “cunaqabateynta waxa loo saaray Soomaaliya waxaa ay ahayd in lagu caawiyo ee ma ahayn in wax loogu dhimo, guddiga khubarrada ahna waxaa saaran mas’uuliyad weyn oo la xiriirta ka hortagga argagixisada”, waxaa kale oo uu sheegay in dowladdiisa UK ay Soomaaliya ka caawiso amaanka,waxaana uu ku baaqay in cunaqabateynta saaran Soomaaliya qeyb ahaan saarnaato, waxaase uu arrin aan la qabali karin ku tilmaamay wada shaqeyn la’aanta Guddiga ka heysata dowladda Soomaaliya.
2-Christoph Heusgen (Germany) waxaa ay dowladda Federaalka ah si xoog leh uga codsatay in ay la shaqeyso Guddiga,waxaa ay soo dhaweysay dib u eegista ka ganacsiga dhuxusha Soomaaliya, inkasta oo ay soo jeedisay in iyada oo loo eegayo bedqabka degaanka aan la qaadin cunaqabateynta dhinaca dhuxusha Soomaaliya.
3-Mr. Barkin (United States) waxaa uu Guddiga ka hor sheegay in dhamaan weerarradii ay fulinayaan Al-shabaab la joojiyo, waxaana uu taageeray in cunaqabateynta sii saarnaato Soomaaliya, waxaa kale oo uu yiri ” waa muhiim in la hor istaago ilaha dhaqaalaha iyo Hubka ee AL-shabaab iyo Daacish”,waxaana uu dowladda dhexe ugu baaqay la shaqeynta Guddiga,waxaa kale oo uu yiri “Guddigu waa Indhaha iyo Dhegaha Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ee ay wax uga maqlaan arrimaha Soomaaliya”.
Antoine Michon (France), waxaa uu ku baaqay in cunaqabateynta hubja halkeeda sii ahaato, sababtana waxaa uu ku sheegay weerarrada AL-shabaab ee sii xoogeysanaya, waxaa uu yiri “nasiib darro AL-shabaab waxaa ay lacag ka helaan ka ganacsiga Hubka, Tubaakada,iyo ilaha kale ee ay heli karaan, lamana aqbali karo in shuruudo cusub Goluhu dejiyo si loola shaqeeyo Guddiga”.
Bader A. Almunayekh (Kuwait), waxaa uu xoojiyay doorka guddiga ee ka ilaalinta Hubka kooxaha argagixisadaha ah ee ka dagaallama gudaha Soomaaliya, waxaa uu bogaadiyay horumarka ay sameysay dowladda Soomaaliya, isaga oo qiimeynaya natiijada shirkii heerka sare ee dhawaan lagu qabtay Muqdisho, kaas oo qodobadii ka soo baxay ka mid ahayd in Hantida AMISOM ee Amaanka lagu wareejiyo Ciidanka Soomaaliya.
Isha:UN.ORG
Recent Comments