Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Sawirro: Muqdisho Oo Laga Xusay Munaasabadda 1-da July

Posted: July 1, 2019 at 5:03 am   /   by   /   comments (0)

Magaalada Muqdisho ayaa xalay waxaa laga xusay munaasabadda Kowda July, oo ah markii ay gumeystaha Talyaaniga ka xoreebeen gobollada Koonfureed ee dalka iyo israacii Waqooyi iyo Koonfure.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, mas’uuliyiin kale iyo dadweyne aad u badan.

Madaxweynaha oo halkaasi khudbad ka jeediyey ayaa ku dheeraaday ka hadal qiimaha ay leedahay maalintan.

“Waxaan u dabbaal-dagaynaa sannad-guuradii 59-aad ee ka soo wareegtay maalintii gobollada Koonfureed ay xorriyaddii ka qaateen Talyaaniga, Waqooyi iyo Koonfurna ay ku midoobeen hal dowlad, hal qaran iyo hal calan.” ayuu yiri madaxweynaha.

Sidoo kale, madaxweyne Farmaajo oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Halgamayaashii gobollada Koonfureed iyo kuwa Waqooyi waxay ka midaysnaayeen guumaysi diid, waxay ka midaysnaayeen gunnimo diid, waxay ka midaysnaayeen quursi diid iyo in qofka Soomaaliyeed aanu oggolaan in laga sarreeyo.”

Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday arrinta midnimada “Waxaan qabaa rajo fiican. Waxaan qabaa in Soomaali ay midoobi doonto, waxaana gacmaha u furaynaa walaalaheenna reer Somaliland ee ay aabbayaashood dhaliyeen midnimada.”

Sanad walba sidan oo kale ayaa loogu dabaaldegaa maalmaha xorriyadda, xilli Soomaaliya aanay weli dib cagaheeda isugu soo taagin.