Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

DFS Oo Ciidamo Dheeraad Ah Geysay Dhuusamareeb

Posted: October 26, 2019 at 9:52 am   /   by   /   comments (0)

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in labo horin oo ka mid ah Ciidanka Haramcad laga dejiyay Magaaladaas.

Ciidamada Haramcad oo tiradooda lagu sheegay ilaa 100 Askari ayaa waxaa magaalada ka dejiyay laba diyaaradood.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in Ciidamadaas lagu xoojiyay ciidamo dowladda dhexe ka socda oo ku sugnaa Magaalada Dhuusamareeb.

Waxaa la sheegayaa in ay ku biirayaan Ciidamada dowladda Federaalka ee sugaya amniga xarumaha doorashada DHuusamareeb.

Sidoo kale Ciidamo ka socda dowladda ayaa lagu wadaa in la geeyo Magaalada Guraceel ee Gobolka Galguduud.

Magaalada Dhuusamareeb waxaa ka taagan khilaaf u dhaxeeya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Khilaafkan ayaa ka dhashay Guddi doorasho oo ay magacowday dowladda kaas oo uu Sheekh Shaakir diiday, waxaa uu isaguna iskiis u magacaabay Guddi doorasho.

Guddiga ay magacowday Dowladda Federaalka ah ayaa shalay Dhuusamareeb ku doortay Guddoomiye iyo ku xigeenkiis.

Xaaladda Magaalada ayaa inkasta oo ay deggantahay haddana waxaa maalmihii la soo dhaafay ka jiray dhaq dhaqaaq Ciidan oo ay sameynayaan labada dhinac ee ku wada sugan Magaalada DHuusamareeb.

Saddexda Mas’uul ee ugu sarreysa Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa la arkay iyaga oo Ciidamo hubeysan khudbad u jeedinaya, dad badan ayaana u qaatay in Ahlu Sunna isu diyaarineyso xaalad kasta oo ka soo wajahda doorashada Galmudug.