Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
Qarax Ka Dhacay Muqdisho
Inta la xaqiijiyay hal qof oo ka mid ah shaqaalaha dowladda hoose ee Muqdisho ayaa ku geeriyooday qarax Miino oo ka dhacay Waddada Maka Al-Mukarrama.
Qaraxan ayaa waxaa uu ka dhacay Isgoyska Taleex waxaana lala beegsaday Gaari kuwa nadaafadda ah oo ay leedahay dowladda hoose ee Muqdisho.
Shaqaalaha ayaa aroorta hore waddada ka gura Qashinka la soo dhigo waddada waxaana mid ka mid ah Jawaannadii Qashinka ee ay ka qaadeen Waddada markii ay saareen Gaariga uu qarxay.
Saddex qof oo kale ayaa ku dhaawacantay qaraxa oo ilaa hadda aysan jirin cid sheegatay kuwaas oo dhaawacooda la geeyay Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho.
Ciidamada amaanka ayaa xiray Waddada uu ka dhacay Qarax waxaana saddex ka mid ah gaadiidka Gurmadka deg degga ah ay goobta ka qaadeen dhaawacyada dadkii weerarkaas ku wax yeelloobay.
Recent Comments