Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Xogta Goobta Lagu Sameeyo Miinooyinka Al-shabaab

Posted: November 3, 2019 at 10:11 am   /   by   /   comments (0)

Hay’adaha amaanka dalka Kenya ayaa sheegaya in ay soo heleen halka lagu farsameeyo miinooyinka ay AL-shabaab u adeegsadaan weerarrada ka dhanka ah Ciidamadeeda ku sugan gobolka Soomaalida iyo gudaha dalka Soomaaliya.

Taliyaha Booliska Dalka Kenya  Hillary Mutyambai, oo xiganaya hay’adaha sirdoonka Dalka Kenya ayaa sheegay in miinooyinka AL-shabaab lagu farsameeyo Degmada Jilib ee Gobolka Jubada dhexe laguna qeybiyo degaanka Laanqurac oo ku yaalla sohdinta.

Waxaa uu sheegay in inta badan Miinooyinka ay Degmada Jilib ka qaadaan Gaari Dameerro badeecado kala duwan wada laguna dhex qariyo sidaasna loogu qeybiyo Ciidamada AL-shabaab ee ka dagaallamaya gudaha Kenya.

Sirdoonka Kenya ayaa sidoo kale sheegaya in ay heleen in xog ururinta AL-shabaab ee Gobolka Soomaalida ay aad ugu badanyihiin Haweenka, kana fogaadaan dadka xoola dhaqatada ama beeraleyda ah ee dagaanka.

Saraakiisha amaanka Kenya ayaa sheegay in Ciidamada Al-shabaab ee sohdinta ka dagaallama uu hoggaamiyo Cabdullahi Banati islamarkaana uu leeyahay kooxo kala qeybsan oo qeybtiiba ka koobantahay 8 ilaa 10 qof.

Kooxdaas ayuu sheegay in inta badan aysan ka fogaan goobaha ay qaraxyadu ka dhacaan, islamarkaana qeyb miinada geliso dhulka kuwana kor ka ilaaliyaan si haddii loogu yimaado ay u difaacaan.

Cabdullahi Banati ayey sheegeen in uu qeyb ku lahaa weerarradii Westgate, Jaamacadda Gaarisa, Dusit D2 iyo weerarkii Bishii October lagu dilay 12 ka mid ah Saraakiisha Booliska Kenya.

Isha:Daily Nation