Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
Siyaasiyiinta Soomaalida Kenya Oo Dacwad Ah
Siyaasiyiinta Soomaalida Kenya ku matala Dowladda ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan natiijada tirakoob dhawaan natiijadiisa la shaaciyay oo la qaaday Bishii August ee sanadkan.
Adam Barre Ducaale oo ah hoggaamiyaha aqlabiyadda Baarlamaanka Dalka Kenya ayaa sheegay in siyaasiyiinta SOomaalida ah ay kulmeen iskuna raaceen in ay maxkamad u gudbiyaan natiijadaas oo ay sheegeen in aad loo xaqiray Soomaalida.
Tirakoobka ay shaacisay hay’adda ayaa waxaa Soomaalida Kenya lagu sheegay in ay gaaraaan ilaa 2,500,000 oo qof taas oo ay sheegeen in ay meel ka dhac ku tahay tirada Soomaalida ee Kenyaanka ah oo aad uga badan tirada la soo bandhigay.
Gobollada Soomaalida ee Kenya sida Gaarisa,Mandheera iyo Wajeer ayaa waxaa ay noqdaan kuwa ugu taranka badnaa 10kii sano ee la soo dhaafay,waxaa ay haddana noqdeen kuwa ugu tirada yar Gobollada kale ee Kenya.
Tirakoobka guud ee dadka Kenya ayaa lagu sheegay 47.5Milyan oo qof,waxaan Siyaasiyiinta Soomaalida ah ku dhawaaqeen in si deg deg ah looga laabto natiijadaas ama ay dacwad gudbinayaan.
War-saxaafadeed ay soo saareen siyaasiyiinta waxaa ay sheegeen in natiijada la soo bandhigay aysan ahayn tirakoobkii la sameeyay 24 ilaa 25kii August sanadkan,waxaana ay xuseen in 70% Soomaalida Kenya aan la tirakoobin.
Recent Comments