Featured, Arrimaha Siyaasada
Shir Looga Hadlayo Arrimaha Soomaaliya Oo Ka Dhacaya Caruusha
Magaadalada Caruusha ee Dalka Tanzania waxaa dhawaan ku kulmaya Madaxweynayaasha Waddamada Bariga Afrika,waxaana ay ka doodayaan sidii xubinnimada Ururkaas loogu dari lahaa Soomaaliya.
Waddamada Burundi, Uganda, Tanzania, iyo Kenya oo xubno ka ah Ururka ayaa horay shuruud ugu xiray xubinimada Soomaaliya markii ay codsatay,waxaana ka mid ahayd in Soomaaliya amaan noqoto, bixiso qaaraanka Ururka iyo wixii la mid ah.
Shirka Caruusha ayaa lagu sheegay in Soomaaliya loo eegayo waxyaabaha u qabsoomay ilaa hadda si ay xubin uga noqoto urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika.
Waxyaabaha kale ee laga doodayo waxaa ka mid ah in shirka Ururka ee markasta ka dhaca Magaalada Caruusha laga dhigo wareegto waddankasta oo xubin ka ah Ururka uu markiisa martti geliyo.
Waxaa sidoo kale laga doodayaa sidii xubinnimada Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika loogu dari lahaa dowladda Koofurta Suudaan oo iyadana ay horyaallaan shuruudo waaweyn sida Soomaaliya.
Sidoo kale waxyaabaha la lafa gurayo waxaa ka mid ah sidii wax looga qaban lahaa xiriirka aan wanaagsaneyn ee u dhaxeeya dalalka Xubnaha ka ah Ururka sida Uganda iyo Rwanda, Burundi iyo Rwanda, Kenya iyo Uganda, Tanzania iyo Kenya oo xiriirkooda dhaqaale iyo siyaasadeedba uusan ahayn sidii la rabay mararka qaarna isku taageeraan jabhado ku kacsan.
Recent Comments