Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured

DFS Oo Ka Hadashay Hanjabaaddii Shariif Sheekh Axmed

Posted: November 11, 2019 at 9:06 am   /   by   /   comments (0)

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadashay hadal hanjabaad ahaa oo shalay ka soo baxay Madaxeynihii  hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay la yaabtay hadalka ka soo baxay Madaxweynihii hore.

Sheekh Shariif ayaa Khudbad uu ka jeediyay Muqdisho markii uu ka soo laabtay Beledweyne ayaa  sheegay in uu diyaar u yahay in dowladda hadda jirta uu xoog uga saaro Muqdisho hadalkaas oo baraha bulshada aad u qabsaday.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in Shariif Sheekh Axmed uu meel uga dhacay astaannimadiisa, sharaftiida iyo dowladnimada Soomaaliya maaddaama uu dalka Madaxweyne ka soo noqday.

Shariif Sheekh Axmed ayaa ku dhawaaqay in Hoggaamiye Kooxadeedyadii, Ciidankii Itoobiya iyo Al-shabaab dagaal looga saaray Muqdisho dowladda hadda jirta haddii aysan dhaqankeeda wax ka beddelinna tallaabadaas laga qaadayo sida uu hadalka u dhigay.