Featured, Arrimaha Siyaasada
Shirka Nabadda Paris oo maanta ka furmaya France
Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyra ayaa Magaalada Paris ee dalka France maanta uga qeybgelay shir soconaya muddo saddex Maalmood ah oo looga hadlayo Nabadda.
Shirkan oo heer Caalami ah ayaa waxaa ka qeybgelaya madaxda Caalamka,waxaana looga hadlayaa nabadda iyada oo ra’isalwasaare Kheyre lagu wado in uu la kulmo madaxda caalamka ee taageerta Soomaaliya kana qeybgelaysa shirkaas.
Shirkan ayaa furmaya maanta waxaana uu soo dhamaanayaa 13ka Bishan November sida uu qorshuhu yahay.
Marka uu dhamaado shirkaas ayaa sidoo kale Wafddiga Ra’isalwasaaraha waxaa ay booqanayaan Dalka Belguimka halkaas oo uu Ra’isalwasaaraha kula kulmayo hoggaanka cusub ee Midowga Yurub.
Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay dadaal xoog leh ugu jirtaa sidii ay ku gaari lahayd qorshaha horumarinta qaranka ee ay dejisay Wasaaradda Qorsheynta,waxaana dowladda taageero caalami ah u raadineysaa sidii loo fulin lahaa qorshayaashaas.
Recent Comments