Featured, Arrimaha Siyaasada
Taliyaha Ciidanka Asluubta oo beeniyay in uu u gefay dadka lixaadkooda dhimanyahay
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya Mahad C/Raxmaan Aadan ayaa meesha ka saaray in uu gef u geystay dadka lixaadkooda dhimanyahay kaddib hadal ka soo baxay shalay.
Taliyaha oo ka hadlayay goob lagu soo bandhigayay Ciidan uu qorayo Taliska Asluubta ayaa sheegtay in qof lug la’. qof Il la’ iyo qof kale oo waayeel ahba aan looga baahneyn Ciidanka Asluubta isagana tagaan goobta.
Ururrada u dooda xuquuqda dadka lixaadkooda dhimanyahay ayaa aad u cambaareeyay hadalka Taliyaha oo ay ku tilmaameen in takoor iyaga ka dhan ah.
Mahad C/Raxmaan Aadan oo iska difaacayay eedeyntaas ayaa sheegay in qof lixaadkiisu dhimanyahay ama waayeel ah uusan marnaba ka mid noqoneyon Ciidamada nooc kasta sidaas darteedna aysan takoor ahayn.
Waxaa kale oo uu isku difaacay in Ciidamada u naafoobay dalka iyaga oo u shaqeynaya ay ka tirsanyihiin Ciidanka laakiin qof cusub oo lixaadkiisu dhimanyahay aan la qoreyn.
Dadka ay da’dooda u dhaxeyso 18 ilaa 25 jir ayuu ku baaqay in ay codsadaan Ciidamada islamarkaana dadka da’daas ka weyn aan looga baahneyn Ciidamada Asluubta.
Recent Comments