Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Maxkamadda Ciidamada Oo Xukuntay Xobno Loo Haysto Al-shabaabnimo

Posted: November 14, 2019 at 10:23 am   /   by   /   comments (0)

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun ku ridday Afar qof oo lagu eedeeyay in ay ka tirsanyihiin Al-shabaab.

Afarta Qof ayaa lagu sheegay in ay ka mid ahaayeen Shabakad ka jirtay Galbeedka Muqdisho islamarkaana dilal ka geysan jirtay halkaas.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidanka Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa waxaa uu ku dhawaaqay xukunka Raggaas eedeysanayaasha ah.

Magacyada xubnaha la xukumay ayaa kala ah;

Shuceyb Cabdullahi Maxamed oo lagu xukumay dil toogasho ah.

Saadaq C/jabaar Cumar oo lagu xukumay dil toogasho ah.

Maxamed Cismaan Axmed  oo lagu xukumay xabsi daa’in.

Ismaaciil Maxamed Aweys Xabsi waxaa lagu xukumay Xabsi daa’in.