Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Safiirka Itoobiya Ee Soomaaliya Oo Warqadihiisii Aqoonsiga Laga Guddoomay

Posted: November 16, 2019 at 9:08 am   /   by   /   comments (0)

Madaxweynaha Dalka Itoobiya Haweeneyda lagu magacaabo Sahle-Work Zewde, ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoontay safiirka Soomaaliya ee Adis ababa C/Xakiin Xaaji Cumar Cameey.

Munaasibad ka dhacday Madaxtooyada Adis ababa ayaa safiir Cameey looga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo Isniintii tagey Magaalada Addis Ababa ayaa waxaa wafdigiisii ka mid ahaa Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar (Camey), Madaxweyne Kuxigeenkii hore ee Puntland.

Camey ayaa la shaqeeyay Dowladda Somaliya, xilligii kala guurka ee Maamulkii uu Madaxweynaha ka ahaa Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, iyadoona ay tallaabadaasi ku kala fogaadeen Madaxweyne Gaas.