Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
Soomaaliya oo diidday Cunaqabateyntii Golaha amaanka ku kordhiyeen
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hortimid muddo kordhinta lagu sameeyay cunaqabateynta dhinaca hubka ee saaran Soomaaliya.
Lataliyaha dhinaca amaanka ee Madaxweynaha Soomaaliya Cabdi Siciid Maxamed Cali ayaa sheegay in xayiraadda dheeraadka ah ee cunaqabateynta Hubka ay micnaheeda tahay in Soomaaliya loo diidayo in ay xasiloonideeda soo ceshato.
Cabdi ayaa sidoo kale dhaliilay in saaxiibada Soomaaliya qaarkood aysan taageersaneyn in Soomaaliya dhisato ciidankeeda sidoo kalena qalabeysato Ciidamadeeda.
Sidoo kale wakiilka joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobey Abuukar Cismaan Baalle ayaa muddo kordhinta cunaqabateyntaas ku sifeeyay mid uu waqtigeeda dhacay waxaana uu dhaliilay golaha amaanka ee Qaramada Midoobey.
Golaha amaanka ayaa Sabtigii waxaa ay muddo hal sano ah ku kordhiyeen cunaqabateynta Hubka ee saaran Soomaaliya.
15ka dal ee xubnaha ka ah Golaha ayaa 12 ka mid ah u codeeyeen haa halka 3 dal ay ka aamuseen kuwaas oo kala ah China, Russia iyo Equatorial Guinea.
Recent Comments