Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Xoghayaha iyo Afhayeenka Xisbiga Wadani oo loo wareejiyay xabsiga Mandheera.

Posted: November 18, 2019 at 7:53 am   /   by   /   comments (0)

Gudoomiyha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani C/raxmaan Ciro oo goordhow shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa uga hadlay xalaada ka taagan xarunta maamulka Somaliland iyo xariga loo geystay mas’uuliyiinta xisbigiisa.

Ciro, waxa uu sheegay in sharci darro ay tahay xarriga loo geystay mas’uuliyiinta Xisbiga Wadani, taasoo sida uu hadalka u dhigay ka hor imaneysa Dimuqraadiyada ay sheegato Somaliland, wuxuuna Xukuumada Muuse Biixi cod dheer uga dalbaday iney xoriyadooda u soo celiso.

C/raxmaan Ciro waxa uu dhinaca kale sheegay in xabsiga ay ku xirnaayeen laga wareejiyay Afhayeenka iyo Xoghayaha guud ee Xisbiga Wadani, isagoo waalac ka muujiyay xaalada ay ku sugan yihiin.

Barkhad Jaamac Batuun oo ah Afhayeenkii xisbiga Waddani iyo Khadar Cabdi Xuseen oo isaguna ah xoghayaha guud ee xisbiga ayaa loo wareejiyay xabsiga weyn ee Mandheera.