Featured, Arrimaha Siyaasada
Shaqaale Ajaaniib Ah Oo Lagu Weeraray Berbera
Shan ka mid ah shaqaalaha Ajannabiga ah ee ka howlgala Magaalada Berbera ayaa uu dhaawac soo gaaray markii ay weerar kale kulmeen shaqaale kale.
Shaqaalaha weerarka geystay ayaa lagu sheegay in ay Soomaali yihiin,kuwaas oo ka careysan shaqada ay hayaan shaqaalaha ajannabiga ah.
Shaqaalah Soomaalida ah ayaa ku dooday in shaqada la siiyay kuwa Ajannabiga ah ay iyaga qaban karaan, sidaas darteedna falkaas ugu kaceen.
Shanta qof ee Ajannibta ah ee lagu dhaawacay gudaha Magaalada Berbera ayaa la dhigay Isbitaal ku yaalla Magaaladaas.
Maandeeq.net
Muqdisho, Somalia
Recent Comments