Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

China: Soomaaliya Halaga Caawiyo Dowladnimada

Posted: November 23, 2019 at 8:18 am   /   by   /   comments (0)

Dowladda China ayaa ku baaqday in Caalamka Soomaaliya ka taageero dowladnimada islamarkaana la tayeeyo hay’adaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Ku xigeenka Wakiilka joogtada ah ee China u fadhiya Qaramada Midoobey Wu Haitao, ayaa sheegay in Soomaaliya ay hadda ugu baahi badan tahay Caalamka islamarkaana wax weyn ugu taallo taageeradooda dhinaca dowlad wanaagga.

Waxaa kale oo uu Wu Haitao,  ku baaqay in dowladda Federaalka ah laga taageero hanaanka siyaasadda, Federaaleynta, dib u dhiska hay’adaha dowladda, iyo horumarinta.

Dhinaca kale waxaa uu dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya uu ugu baaqay in ay hagaajiso xiriirka kala dhaxeeya dowlad Goboleedyada.

Beesha Caalamka ayaa ka codsaday in ay sii wadaan taageerada AMISOM,isaga oo sheegay in howsha AMISOM ay tahay la dagaallanka AL-shabaab.

Waxaa kale oo uu Beesha Caalamka ugu baaqay in ay Soomaaliya ka taageeraan Waxbarashada, Caafimaadka,dib u dhiska iyo cuntada.