Featured, Arrimaha Siyaasada
Booliska Garowe oo soo bandhigay waxyaabo maanka dooriya
Booliska Magaalada Garowe ee Xarunta dowlad Goboleedka Puntland ayaa gacanta ku dhigay Maandooriye Qamri u badan iyo agabka dagaalka.
Booliska Gobolka Nugaal ayaa sheegay in howlgalka ay ka fuliyeen xaafadaha kala duwan Garowe ay ku soo qab qabteen DHalliyaro, waxyaabaha Maanka Dooriya, Middiiyo iyo Biro kale.
Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in dhallinyarada ay yihiin kuwa dhaca iyo baarashada ka geysta Magaalada islamarkaana dhibaatada amni darro ka wada Garowe.
Saraakiil u hadashay Booliska ayaa sheegay in sidoo kale ay ku daba jiraan Ganacsatada ka ganacsada Maandooriyaha ee Dhallinyarada ka iibiya.
Ciidamada Booliska ayaa dhowr jeer waxaa ay ka digeen dhallinyarada habeenkii dahabka iyo Taleefannada ka furta Gabdhaha.
Waxaa ay Waaliddiinta ugu baaqeen in ay guryahooda ku ceshtaan carruurtooda haddii kalena aysan uga daba tagin Saldhigyada.
Recent Comments