Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Qoyska Almaas Elman oo codsaday in baarista lagu daro dowladda Canada

Posted: November 24, 2019 at 9:53 am   /   by   /   comments (0)

Qoyska Almaas Elman oo Arbacadii  lagu dilay xerada xalane ee Magaalada Muqdisho ayaa soo jeediyay in baarista ku socota dilka Gabadhooda lagu daro dowladda Canada.

Qoyska ayaa war saxaafadeed ay soo saareen waxaa ay ku sheegeen in la joojiyo wararka badan ee lagu baahinayo Warbaahinta Bulshada iyo kuwa aan la hubin ee laga qorayo geerida Almaas.

War-saxaafadeedka Qoyska ayey ku sheegeen in baarista horudhaca ah ee ay waddo AMISOM qeyb ka noqdaan Dowladaha Soomaaliya iyo Canada.

Almaas ayaa waxaa ay heystay dhalashada Dalka Canada,waxaana ay noqotay qofkii labaad ee heysta dhalashada dalka Canada oo sanadkan lagu dilo gudaha Soomaaliya.

Almaas ayaa ka timid Nairobi ay Xerada Xalane uga qeybgasho shir ka dhacayay halkaas waxaana la dilay markii ay ka soo baxday shirka.

AMISOM ayaa sheegtay in xabadda ku dhacday Almaas ay ahayd mid aan gudaha Xerada Xalane laga riday islamarkaana ay baaris ku hayaan.

12july sanadkan waxaa Magaalada Kismaayo lagu dilay Hodon Naaleeye oo heysatay dhalashada Dalka Canada waxaana ay ka mid ahayd dadka qurbe joogta ah ee dalka dib ugu soo laabtay si ay uga qeybqaataan dib u dhiska dalkooda

War-saxaafadeedka kasoo baxay Qoyska Ahun Almaas

Warmurtiteed ku saabsan Dilkii Almaas Elman kana soo baxay Qoyska Reer Elman Cali Axmed & Reer Xirsi Cabdulkhadir.

“Dhab ahaantii waxaannu ku jirraa xilli aannu aad uga qalbi-jabannahay geeridii aan xanuunkeeda ciduna qiyaasi karin oo ku timid walaasheen, xaaskii iyo gabadhii aannu dhallnay ee Almaas Elman. Waxaannu dareemaynaa cidlo aan abid ciduna inoo buuxin karin.

Almaas waxay lahayd ruux ifaysa, bilic-san berina ka ahayd musiibada ay la kulantay. Runtii waa ay laqmatay, in ay xaamilo ahaydna waa mid sii kordhinaysa murugadaan naga daaddegi la’.

Taageerada, is barbartaagga iyo tacsiyeynta inooga timid daafaha dunida oo dhan aad ayay inoo khushuuc geliyeen. In aannu ogaanno in Almaas aad loo jeclaa aanay si togan uga qayb-qaadatay nolosha dad badan ayaa qoyskayaga qaddar laab-riixasho ah siinaysa waqtigan aadka inoogu adag.

Aad baannu uga mahad-celinaynaa baroor-diiqda Almaas iyo xusuus sheegiddeeda dunida oo dhan ka dhacaysa, waxaannuna doonaynaa in aannu ku biirro xuska nolosheedii aadka u qaniga ahayd.

Maahan markii ugu horreysay ee qoyskeenna ay haleesho musiibo qalalaase wadata oo tan oo kale ah. Qalalaase la mid ah midkan ay Almaas ku baxday oo isla magaaladan ka dhacay ayaannu sanado ka hor ku weynay aabbeheen Elman Cali Axmed.

Taa ayaa sii laballaabaysa murugada iyo qarracanka aannu wajahayno, hase yeeshee marna musiibooyinkani shiiqin maayaan go’aankeenna ah in aannu dhisno nabad qoysaska kale ee Soomaaliyeed ka hor joogsata in ay la soo deristo murugo la mid ah midda aannu haatan dhex maquuranayno.

Waxaannu weli si aan leex-leexad lahayn ugu jeebban nahay gaaridda Soomaaliya ay dadkeedu ku nool yihiin xaalad aysan ka cabsi qabin in ay musiibo tan la mid ahi ku dhacdo gacalka iyo xigaalkooda.

War kasta oo haatan laga soo saaro duruufihii ay Almaas ku geeriyootay waa kuwo laga hor-dhacay, mana noqon doonaan kuwo caawiya qoyskeenna. Wararkaa waxaa ka mid noqon kara in laysla dhex meero suuraggalnimada in ay Almaas dishay “xabbad wiifto” ah.

Waxaannu jeclaan lahayn in dilkii Almaas si buuxda loo baaro, waxaannuna codsanaynaa in ay dawladaha Soomaaliya iyo Canada si wadajir ah oo qoto dheer arrintan u baaraan, maadaama ay laheyd labada dhalasho ee labada dal.

Intii laga gaarayo hannaankaa hufan oo dhamaystiran waxaannu dalbanaynaa in aanay qof iyo maamul toona ka faalloon arrintaan meel gaar ahna aanay ku tirin.

Waxaannu ka war haynaa in la faafiyey muuqaallo iyo mu’aamarado aan sal lahayn. Muuqaalladaa iyo mu’aamaradahaasi waa kuwo qoyskeenna sii xanuunjinaya waqtigan adag. Sidaa darteed in la joojiyo iyo dib loo saxo ayaannu codsanaynaa.

Kani waa warka keliya ee aannu musiibadan haatan ka soo saarayno, waxaannuna si xushmad leh u dalbanaynaa in ay dadku ixtiraamaan asturnaanta axwaasha qoyskeenna, si aannu si nabdoon ugu murugoonno.

Almaas waxaa ay ka tagtay guud ahaan dalkeedda iyo dadkeedda, gaar ahaana Qoyskeeda oo ka kooban, hooyadeed Fartuun Cabdisalaan Xaaji Aadan, walaaleheed Ilwaad Elman, Iimaan Elman iyo Geesiya Elman, saygeedii Sakariya Xirsi iyo Almaas waxa ay innooga tagtay raad taariikheed aad u sareeya oo ku saabsan is beddel togan oo ka dhaca Soomaaliya, Afrika iyo Dunidaba.”

Dhammaad