Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
Mareykanka oo ku baaqay in ay heshiiyaan dowladda dhexe & Dowlad Goboleedyada
Dowladda Mareykanka ayaa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ugu baaqday in ay heshiis la gaarto dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah.
Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Yamamoto, iyo kooxda Howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Ra’isalwasaaraha Soomaaliya.
Bogga Twitterka ee Howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu daabacay in Saraakiisha Mareykanka ah ay ra’isalwasaaraha Soomaaliya kala hadleen xaalado kala duwan oo ay hadda ku jirto Soomaaliya.
Waxyaabaha ay kala hadleen waxaa ka mid ah sidii horamar looga sameyn lahaa nabadda, xasiloonida,Ishaashi u dhaxeeya dowladda Federaalka ah iyo dowlad Goboleedyada iyo Beesha Caalamka ee taageerta Soomaaliya.
Yamamoto, ayaa sheegay in intaas oo si isku mid ah u wada shaqeysa ay horseedi karto Soomaaliya oo xoog badan oo soo laabata sida uu hadalka u dhigay.
Recent Comments