Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
Labada aqal ee dalka oo maanta yeelanaya kulankoodii 2aad ee kalfadhiga 6aad
Golaha aqalka sare iyo Golaha shacabka ayaa maanta yeelanaya kulanka 2aad ee kaldhiga 6aad ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Kulanka maanta ayaa waxaa uu ajendihiisu yahay meel marinta habraaca ansixinta dib u eegista Dastuurka Dalka.
Guddiga dib u eegista Dastuurka ayaa goorsii horreysay sheegay in ay dhameystireen dib u eegista Dastuurka kana qeybgeliyeen dhamaan dowlad Goboleedyada, ururrada Bulshada Rayidka ah iyo cidkasta oo qeyb ka ah dib u eegista Dastuurka.
Kulanka maanta ee labada aqal ay ku yeelanayaan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu noqonayaa kii 2aad ee ay yeeshaan sanadkan iyada oo sanadihii la soo dhaafay uu jiray kala aragti duwanaan u dhaxeysay labada aqal.
Kulankii kan ka horreeyay ee ay yeesheen sanadkan ayaa waxaa uu dhacay 20kii Bishan waxaa ay uga doodeen Miisaaniyadda dalka ee sanadka 2020.
Recent Comments