Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Soomaaliya Iyo Turkiga Oo Heshiis Cusub Gaaray

Posted: November 28, 2019 at 7:36 am   /   by   /   comments (0)

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxiixday heshiis cusub kaddib kulan ka dhacay Dalka Turkiga gaar ahaanna magaalada Ankara.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Turkiga Axmed Ciise Cawad iyo Mevlüt Çavuşoğlu ayaa kala saxiiday heshiis dhowr qodob ka kooban kaas oo ay ku gaareen Ankara.

Labada Wasiir ayaa   kala saxiixday heshiis sare u qaadaya iskaashiga iyo wax wadaagga labada wasaaradood.

Labada wasiir arrimo dibadeed ayaa ka wadahadlay xiriirka labo geesoodka iyo siyaabihii lagu xoojin lahaa wax u adeegaya dano wadaagga dhinacyada kala duwan leh.

Heshiiska is-afgaradka ay kala saxiixdeen labada wasiir ayaa waxa uu ku salaysan yahay iskaashiga tababarka diblomaasiyadeed, isdhaafsiga xogaha iyo dukumintiga ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa xoogeystay wixii ka dambeeyay sanadkii 2011kii markaas oo macluul daran oo ka jirtay Soomaaliya oo Madaxweynaha Turkiga oo xilligaas ra’isalwasaare ahaa yimid Muqdisho kana billaabay gargaar iyada oo Turkigu kaddibna sii ambaqaaday taageerada Soomaaliya ee amaanka, dib u dhiska, Waxbarashada, Ganacsiga iyo wixii la mid ah.