Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Hoggaamiyaha ONLF oo ka hadlay kulankii uu la qaatay Axmed Madoobe

Posted: November 30, 2019 at 9:12 am   /   by   /   comments (0)

Guddoomiyaha cusub ee Ururka ONLF C/Raxmaan Maadey ayaa markii ugu horreysay ka warbixiyay kulan uu la qaatay Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam.

Guddoomiye Maadey ayaa sheegay in kulanka isaga iyo Axmed Madoobe ku dhexmaray Nairobi uu daarranaa sidii ay u wadahadli lahaayeen dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Maamulka Jubaland.

Waxaa uu xusay in ay tahay wax laga xishoodo in Itoobiya oo ay ku noolyihiin dad kala af iyo diin ah ay ku mideysanyihij dowlad islamarkaana Soomaalida oo intaas ka mideysan aysan is fahmeyn.

Guddoomiyaha ayaa intaas raaciyay in Axmed Madoobe uu kala hadlay sidii uu wadahadal ula furi lahaa dowladda Soomaaliya, islamarkaana loo dhameyn lahaa khilaafka labada dhinac.

C/Raxmaan Maadeey ayaa sheegay in horay ay ula kulmeen Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo kalana hadleen khilaafka dowladda dhexe iyo Jubaland, halkaasna uu ka dhashay kulanka Axmed Madoobe.