Featured, Arrimaha Siyaasada
Dagaal Ka Dhacay Baardheere
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa guul ka sheegatay dagaal Ciidamada dowladda iyo kuwa AL-shabaab ku dhexmaray degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.
Saraakiisha Ciidamada dowladda Federaalka ayaa sheegay in ciidan ka tirsan AL-shabaab oo qorsheynayay in ay Magaaladaas weeraraan xogtooda heleen kana hortgeen.
Maxamed Cali Cabdullaahi, oo ka mid ah saraakiisha Ciidamada ee Baardheere ayaa sheegay in ay ka hortageen weerar ay qorsheynayeen AL-shabaab oo ku wajahnaa Baardheere sida uu hadalka u dhigay.
“Dadka degaanka ayaa noo sheegay in Argagixisadu ay ku qasbaan in ay bixiyaan canshuur xoog ah, ciidankeenuna waa ay weerareen, iska hor imaad ka dib waxaanu halkaasi kaga dilnay Lix xubnood” ayuu yiri Cali.
Waxaa uu Taliye Cali sheegay in dagaalkaas ay Al-shabaab uga gubeen labo ka mid ah Gaadiidkii ay doonayeen in ay ku weeraraan Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.
Recent Comments