Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Kenya Oo Ilaalineysa Xeebaha Bariga Afrika

Posted: December 1, 2019 at 5:58 am   /   by   /   comments (0)

Shirka Ururka Caalamiga ah ee Badaha oo ka dhacay Dalka Ingiriiska ayaa lagu doortay Golaha maamulaya Ururkaas.

Ururkan oo ay xubno ka yihiin dhamaan dalalka leh Xeebaha iyo kuwa ku dhow ayaa waxaa doorashadiisa lagu qabtay Magaalada London ee caasimadda Dalka UK.

Kenya oo xubin ka ahayd Golaha ayaa dib loogu doortay Kursiga iyada oo wakiil ka ah Dalalka dhaca Bariga Afrika ee kala ah; Burundi, Democratic Republic of Congo, Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Rwanda, Somalia, South Sudan, Tanzania iyo Uganda.

Wasiirka Wasaaradda Badaha ee Kenya  Nancy Karigithu, ayaa ku faantay dib u doorashadooda ay Kenya u suurta gelineyso in ay qeyb ku yeelato maamulidda iyo go’aan ka gaaridda arrimaha Badaha Caalamka.

Kenya oo uu hadda khilaaf dhinaca Badda ah kala dhaxeeyo Soomaaliya ayaa u muuqata mid dadaal dheeraad ah ku bixineysa sidii ay kuraas uga heli lahayd fadhiyada Caalamiga ah ee lagu jaangooyo qaddiyadaha Caalamka.

Jimcihii waxaa ay Kenya ku fashilantay in ay noqoto shir Guddoonka Urur Goboleedka IGAD,waxaana loo doortay Dalka Suudaan.

Bisha June ee sanadka dambe waxaa uu tartan kala dhaxeeyaa Dalka Jabuuti waxaana ay Kenya dooneysaa in ay ku guuleysato mid ka mid ah tobanka kursi ee aan joogtada ahayn ee Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey.

Ururka Badaha Caalamka waxaa hadda Afrika ku matalaya Kenya,Masar, Morocco,Koofur Afrika iyo Lebria,waxaana ay ku jiraan qeybta C-da.