Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Xasan Sheekh Oo Ku Baaqay Joojinta Dagaallo Ka Socda Hiiraan

Posted: July 2, 2019 at 7:05 am   /   by   /   comments (0)

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa baaq nabadeed u direy beello walaalo ah oo ku dagaallamaya deegaanno hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Wuxuu sheegay Xasan, iney aad uga xun yihiin dagaalladan, isaga oo u sheegay dhinacyada is haya in khilaafkooda ku xalliyaan miiska wadahadalka.

“Dhulkaasi meel lagu dagaallamo ma ahan, walaalayaan waxaan idin kugu baaqeynaa inaad colaadda joojisaan, inaadan dhiigiina daadinine” ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Dhanka kale, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay waxgaradka iney kala dhexgalaan beelahan, sidoo kalena nabadda ka shaqeeyaan.

“Waxgaradka ku sugan Hiiraan, gaar ahaan Matabaan waxaan leeyahay kala dhexgala beelahan is haya oo eega danaha dadka iyo dalka, xilligan in dadka Soomaaliyeed isku dilaan qabiil ma wanaagsana” ayuu hadalkiisa raaciyey Xasan Sheekh.

Deegaanno hoostaga degmada Mataab waxaa kusoo noq-noqday dagaallo beeleed, kuwaasi oo geystay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur hantiyeed.

Maandeeq

Muqdisho, Somalia