Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
Khilaafka Soomaaliya Iyo Kenya Oo Sii Xoogeystay
Maalinba maalinta ka dambeysay waxaa aad usii xumaanaya xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, xillli Labadan dal uu ka dhaxeeyo muran dhanka badda ah.
Macharia Kamau, waa xoghaye ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Kenya, safar uu ku tagay Somaliland ayaa mar uu faah faahinayey wuxuu sheegay iney Somaliland dal tahay, taasi oo ka carreysiisay dowladda federaalka ah.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qoraal carro ah waxay u qortay dhiggeeda Kenya, kaasi oo ay kaga dacwooneysay sida uu xoghayahan u dhaqmay.
Qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda dowladda federaalka waxyaabaha lagu yiri waxaa ka mid ahaa “Fariintaasi waxay meel ka dhac u tahay madaxbanaanideenna, midnimada iyo bedqabka dhulkeenna”
Kenya weli wax jawaab ah arrintan kama aanay soo bixin, balse waxay tani muujineysaa mid murug kusii beereysa xiriirka Labada dal.
Wixii ka dambeeyey markii ay Soomaaliya ay dacwad ka gudbisay Kenya, kadib sheegashadeedii badda, ayaa Kenya waxay bilowday tallaabooyin badan oo lagu carro gelinayo DFS.
Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda waxay sheegayaan in Kenya laga filan karo waxyaabo badan oo ku aaddan colaadinta Soomaaliya.
Maandeeq
Muqdisho, Somalia
Recent Comments