Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Madaxweyne Farmaajo Oo La Kulmay Safiirada Caalamka Ee Ku Sugan Muqdisho

Posted: July 2, 2019 at 6:00 am   /   by   /   comments (0)

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa xalay wuxuu Villa Somalia casho sharaf lagu weyneynayo Todobaadka xorriyadda ugu sameeyey diblomaasiyiinta iyo danjirayaasha dalalka saaxiibada la ah Soomaaliya ee ka howlgala magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa ku dheeraaday ka sheekeynta marxaladihii kala duwanaa ee uu dalka soo maray, wuxuuna si gaar ah u sheegay in DFS kalsooni ku qabto garab istaagga beesha caalamka.

Sidoo kale, wuxuu madaxweynaha sheegay in Soomaaliya ay dedaal badan ugu jirto dib uga soo kabashada dhimaatooyinkii dhacay, islamarkaana xilli walbo diyaar u yihiin in dalka horey loo sii dhaqaajiyo.

 “Soomaaliya waxay sannadihii la soo dhaafay samaysay horumar xawli ah, waxaana ku faraxsanahay inaan idin la wadaago in dowladdaydu ay gaartay guullo waaweyn intii aan talada hayay” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo oo hadalkiisa sii wata ayaa dhanka kale yiri “Dhanka dhaqaalaha, Soomaaliya waxay horumar la taaban karo ka samaysay la dagaallanka musuqmaasuqa, sare u qaadidda dakhliga gudaha iyo buuxinta shuruudaha dayn cafinta ee Hay’adda Lacagaha Adduunka oo meel fiican maraya.”

Soomaaliya ayaa u muuqata mid kasoo kabaneysa dhibaatooyinkii soo maray 30-kii sano ee lasoo dhaafay.

Maandeeq

Muqdisho, Somalia