Featured, Arrimaha Siyaasada
Somaliland Oo Joojisay Shir Ka Dhici Lahaa Hargeysa
Maamulka Somaliland ayaa joojiyay shir uu sanduuqa xasilinta Soomaaliya ku qaban lahaa Magaalada Hargeysa kaddib markii Somaliland ay sheegtay in sanduuqaas uusan fasax ka qaadan.
Wasaaradda Qorsheynta Somaliland ayaa u sheegtay Wakiillada Caalamka ee shirkaas ka qeybgeli lahaa in aysan ku lug go’in Hargeysa.
Wasaaraddu waxaa ay sidoo kale qoraalkeeda ku sheegtay in arrimaha Soomaaliya ay muhiim tahay in lagu qabto gudaha Somaliya, Somalilandna aysan waxba ka gelin.
Somaliland waxaa ay sheegtay in sanduuqa xasilinta Soomaaliya aysan ka mid ahayn, sidoo kalena la socon dhaqaalaha lagu helay magacab mashruucaas.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda qorsheynta Somaliland Xuseen Ibraahim Bunni oo warqadda ku saxiixnaa ayaa sanduuqa Xasilinta Soomaaliya ee SSF ku wargeliyay in uu mas’uul ka yahay dib u celinta ka qeybgalayaashii shirkaas.
Recent Comments