Featured, Arrimaha Siyaasada
Kheyre Oo Safar Ku Tagay Guriceel
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xukumada Faderaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Degmada Gurigeel ee gobalka Galguduud.
Gudoomiyaha Degmada Guriceel Cabdulaahi Maxamed Barre oo ugu horeyn Ra’iisul wasaaraha ku soo dhaweeyay Guriceel ayaa sheegey in Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ay ka dalbanayaal Layrarka Cadceeda ku shaqeeya ee Solarka oo uu sheegay in degmadu ay aad ugu baahantahey.
Madaxa Xukumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa ugu mahadceliyay Shacabka Guriceel sida ay soo u dhaweeyeen Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ka sheekeeyay dagaaladii Guriceel ku dhexmay Maamulkii Ahlusunna iyo Al shabaab, waxa uuna sheegay in Guriceel tahey goobtii ay dagaalka ka bilaabeen.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo kumannaan dadwayne ah iyo mas’uuliyiin dowladeed oo soo dhawayntiisa isugu soo baxay kula hadlay goob fagaara ah ayaa mahad celin kadib waxa uu uga warbixiyay qorshaha socdaalkiisa Galmudug iyo guulihii la gaaray intii uu waday wadatashiyada uu bulshada kala yeelanayay dhismaha dowlad gobaleed Galmudug loo dhanyahay, waxa uuna ugu baaqay in ay kaalintooda ka qaataan qorshaha dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha hay’adaha Galmudug.
Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa mar kale ku baaqay in si shurruud la’aan loo joojiyo colaadaha dhiiggu ku daadanayo ee ka socda deegaannada hoos taga degmada Matabaan ee gobalka Hiiraan.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu marayay deegaannada dowlad gobaleedka Galmudug waxa uu kulamo wadatashi la yeeshay bulshada qaybaheeda kala duwan, si uu uga dhagaysto talooyinka iyo tusaalaha dhismaha Galmudug dhamaystiran.
Mudane Khayre oo horay u tegay deegaano ay kamid yihiin Dhuusamareeb, Cadaado, Caabuudwaaq, Huurshe iyo Xeraale ayaa inta uu joogo Guriceel waxa uu si la mid ah deegaannadii uu soo maray kulamo la yeelanayaa qaybaha bulshada.
Recent Comments