Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

DFS Oo Guryo Ku Wareejisay Dad Rayid Ah

Posted: July 3, 2019 at 7:22 am   /   by   /   comments (0)

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dib u habeyn ku sameysay guryo ku yaalla deegaanka Sabiib Caanoole oo ka tirsan gobolka Shabellaha Hoose, kuwaasi oo ku burburay dagaalladii ciidanka dowladda iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray halkaasi.

Waxaa guryahan lagu sameeyey dayactir, waxaana dib loogu wareejiyey dadkii lahaa, kadib munaasabad ka dhacday deegaanka Sabiib Caanoole.

Munaasabaddan waxaa goob joog ka ahaa xildhibaanno, wasiirro federaalka ah iyo kuwo dowlad goboleedka K/galbeed ka socday iyo sidoo kale maamulka Shabellaha Hoose.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo halkaasi hadal ka jeediyey wuxuu bogaadiyey dedaalka ay sameysay dowladda federaalka iyo sida shacabka danta yar loo tusay garab istaagga dowladda dhexe.

“Waxay ila tahay in wanaag weyn ay sameysay dowladda, shacabkiina waxaa la idin ka doonayaa inaad dowladda u hiilisaan si idinkuna aad u gaartaan horumar” ayuu yiri xildhibaanka.

Dhanka kale, dowladda federaalka ayaa markii ugu horreysay waxay deegaanka Sabiib Caanoole ka hirgelisay leerarka ku shaqeeya cadceedda.

Deegaanka Sabiib Caanoole waxaa muddo maamulayey Al-shabaab, balse dagaal halkaasi ka dhacay ayeey kula wareegtay dowladda federaalka.

Maandeeq

Muqdisho, Somalia