Featured, Arrimaha Siyaasada
Ciidanka Kenya Oo Lagu Eedeeyay Ku Xadgudubka Shacabka NFD
Mudanayaasha laga Soo doorto gobolk Waqooyi Bari kenya ayaa si kulul u cambaareeyey ciidamada Kenya ee ilaalada ka haya xudduuda u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya.
Mudanayaashaan oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee VOA, ayaa sheegay in militariga Kenya ay dhibaato ba’an ku hayaan shacabka ku nool tuulooyin hoostaga magalada Gaarisa.
Cabullaahi Maxamed budul oo ka mid ah mudanayaashaas ayaa sheegey in ciidamada Kenya si arxan darro ah ay ula dhaqmaan dad shacabka ah.
Eedeyntan ayaa timid kaddib ciidamada militarigu ay si xun ula dhaqmeyn muwaadin lagu magacaabo Ciise Abdi oo ah xoolo dhaqato ahaa ka tirsan dadka ku nool Gaarisa, muwaadinkan ayay masuuliyiintu sheegeen in ay ciidamadu afduubteen hase yeeshee ay dafireen balse markii dambe ay soo daayeen isaga oo oogadiisu ay ka muuqdaan jir dil xooggan.
Xildhibaan Diiriye Barre Cabdi oo isna ka mid ah mudanayaasha Gaarisa laga soo doorto ayaa sheegay in tillaabooyinka ciidamada Kenya ay ku kacayaan ay yihiin kuwo cadowtooyo.
“Waxaan u maleyneynay in ay dhammaadeen xasuuqii la isku geysan jiray, waxaana aragnaa in arrintaasi wali ay socoto. Militariga waxaa loo soo diray in ay dalka difaacaan oo ay xudduudaha joogaan, horay waxaan u ogeyn in Libooya dad ay ku dileen, militariga kaliyana ma dhihi karo oo xalay waxaa la galay Haameey dadkuna xalay ma seexanin, waxaan codsaneynaa in militariga tillaabo degdeg ah laga qaado, haddii laga qaadi waayana waan is difaaci doonaa inaga oo ah maamulka Gaarisa hubka ayaanan qaadan doonaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Diiriye Barre.
Ciidamada Kenya ayaa dhowr jeer oo hore lagu eedeeyay in ay waxyeello u geestaan Soomaalida Kenya, iyaga oo aan ula dhaqmin sida ay ula maacaamilaan qowmiyadaha kale ee Kenya ku nool.
Ugu dambeyn mudanayaashan oo Gaarisa ku sugan ayaa sheegey haddii dhibaatadani ay sii socoto ay hoggaamin doonaan kacdoon dadweyne oo ka dhan ah ciidamada Kenya ee gobolka ka howlgala.
Recent Comments