Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda Soomaaliya oo xiriirka u jartay dalka Guinea

Posted: July 4, 2019 at 5:27 pm   /   by   /   comments (0)

Dowladda Soomaaliya ayaa goordhow ku dhawaaqday in ay xiriirka u jartay  wadanka Guinea ee dhaca Galbeedka Qaarada Afrika, iyadoo go’aankan la sugayay Arbacadii shalay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo goordhow shir jaraa’id ku qabtay magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, ayaa sheegaya in sababta ay go’aankan u qaatay ay tahay, iyadoo Guinea ay meel uga dhacday Qaranimada iyo Madax banaanida dhuleed ee dalkan.

Wasiir Cawad ayaa carabka ku goday in talaabada ay qaadeen dalkaasi oo ay sida hab maamuuskeeda sareeyay ay ugu soo dhaweeyeen Wafdiga uu Hoggaaminayay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi aanu eheyn mid loo adkeysan karay, taasoo soo dadjaisay go’aankan.

Wasiir Cawad ayaa dhinaca kale wadamada Caalamka uga digay iney kala qoqobaan qaranimada Soomalaiya, isgaoo farta ku fiiqay in mudooyinkan ay jireen wadamo Caalamka ah oo talaabooyinkan kuwo lamida qaadayay.

Waxaa la soo gaaray waqtigii dowladda Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed u dul qaadaneyn in lagu sameeyo xadgudub qaranimadooda iyo wadajirkooda,waxaana xiriirka u jarnay dowladda Gini oo ka mid ah dowladaha Wadamada Afrika” ayuu yiri Wasiir Cawad.

Si kastaba, Wasiir Cawad ma uusan u ogolanain Warbaahinta in ay wax su’aala ah ka weydiiyaan shirkiisa, isagoo hadalkiisa kadib goobta isaga dhaqaaqay.

Madaxweynaha maamulka Somalialnd Muuse Biixi oo ay wehliyaan Wasiiradiisa Arrimaha Dibadda, Maaliyada iyo Saraakiil kale ayaa wali ku sugan caasimadda dalka Jamhuuriyadda Gini ee Conakry, iyadoo uu wada hadalo la yeeshay madaxweynaha dalkaas