Newsletter subscribe

Arrimaha Siyaasada

Somaliland Oo Cadowad Cusub u Aragta Go’aankii DFS Ee Guinea

Posted: July 5, 2019 at 11:35 am   /   by   /   comments (0)

Wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa markii u horeysay ka hadlay go’aanka dowladda Soomaaliya ay xiriirka ugu jartay wadanka Guinea.

Wasiir Faratoon waxa uu sheegay in go’aankan uu yahay mid khalad ah, isagoo is weydiiyay sababta ay Xukuumada Muqdisho talaabooyin uga qaadi weysay dhamaan dalalkii ay hore u tageen, balse ay markan u qoonsadeen safarka ay ku joogaan dalka ku yaala galbeedka Afrika

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in go’aanka shalay ka soo baxay DFS ay u arkaan oo kaliya cadaawad iyo kala fogeyn cusub oo u bilawday, isagoo ka digay in la isku dayo qaadista go’aano lagu go’doominayo maamulkooda Hargeysa.

“waxaa na soo gaadhay in maamulka xamar sida ay yidhaahdeen ay calaaqaad u gooyeen dalka la yidhaahdo Guinea, oo ay ka xun yihiin booqashadayada, arrintaa waxaannu u aragnaa inay maangaabnimo iyo aragti la’aani ku dheehan tahay. Aad mooddidna in ay ku qanacsan yihiin in Somaliland ay u xidhan tahay, nasiib darro se malaa ma oga in Somaliland cilaaqaad la leedahay dalal badan oo caalamka ah oo Afrika ah, Bariga Dhexe iyo Yurub ka jira oo marar hore nagu soo dhaweeyey habmaamuuska qaran looga baahan yahay” ayuu yiri Wasiir Faratoon.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo 1-dii bishan dalkaasi u safray ayaa la kulmay Madaxweynaha Guinea Prof. Alpha Conde, iyadoo safarkan ay ku wehlinayaan wasiirada arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), horumarinta maaliyada, Dr. Sacad Cali Shire, horumarinta Caafimaadka, Cumar Cali Cabdilaahi iyo Ergeyga Gaarka ah ee Wada-hadallada Somaliland iyo Dawladda Soomaaliya Marwo, Adna Aadan Ismaaciil.