Newsletter subscribe

Arrimaha Siyaasada

DFS Oo Lagu Wareejiyey Hub Iyo Gaadiid Dagaal

Posted: July 5, 2019 at 11:47 am   /   by   /   comments (0)

Gaadiid Dagaal iyo Ciidamo Maleeshiyaad ah ayaa lagu soo bandgigay Degmada Balanballe kuwaasi oo lagu wareejiyay Taliyayaasha Ciidamada Qalabka sida waxaana halkaa Ku Gudoomey Wasiiru dawlaha wasaaradda Gaashaandhigga Dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Iyo Taliyaasha Ciidamada Qaranka.

Ciidamadan ayaa si toosa ugu biiri doona kuwa xoogga dalka, waxaan dhawaan lagu bilaabi doonaa Diiwaan galin (DATA BASE) sida ay sheegeen Taliska Ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Saakay ka baxay Dhuusamareeb ayaa gaaray Balanbal waxaana halkaas ku soo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka Galgudug Maxamed Xaashi Carabay oo isna Shalay gaaray Balanbal.

Ciidamadaan ku sugan deegaanada Galmudug ayaa badan Maleeshiyo beeleedyo Gacanta ku haaya hubkii ay leheed Dowladii dhexe dalka oo uu hugaaminaayay Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo in kabadan Todobaad ku sugan deegaanada Galmudug ayaa shalay Dhuusamareeb ka sheegay in ay qaramaynayaan Dhamaan Maleeshiyo beeleedyada ku sugan Galmudug si loo soo celiyo Maqaamkii ay lahaa jirtay Xerada 21 aad ee dalka.