Arrimaha Siyaasada
Cuba Oo War Cusub Kasoo Saartay Dhaqaatiir Looga haysto Somalia
Dowladda Cuba ayaa dhowr bilood kaddib ka hadashay halka ay ku dambeeyeen laba dhaqtar oo u dhashay dalkiida laguna afduubtay duleedka Magaalada Mandheera.
Wasiirka Caafimaadka Dalka Cuba,Jose Angel Portal, oo shir jaraa’id ku qabtay Caasimadda Havana ayaa sheegay in dowladdiisu ay wax kasta ku bixineyso sidii loo siideyn lahaa labada dhaqtar.
Waxaa uu sheegay in sida ay baahiyeen warbaahinta qaar aysan jirin wax madax furasho ah oo ay afduubayaasha weydiisteen dowladda Cuba isaga oo xusay in xitaa haddii ay suuragelineyso siideyntooda ay dowladda bixineyso wax kasta.
Madaxweynaha Dalka Cuba,Miguel Diaz-Canel, ayaa dhawaan Qadka taleefanka kula xiriiray Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta,waxaana uu kala hadlay sidii loo fududeyn lahaa siideynta dhaqaatiirta Cuba.
Dhaqaatiirtan oo kala ah; Landy Rodriguez iyo Assel Herrera, ayaa bishii Afaraad ee sanadkan laga afduubtay duleedka Mandheera.
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in Al-shabaab ay ka dambeeyeen Afduubkaas,waxaana ay meesha ka saartay in ay wax madax furasho ah ku bixineyso siideyntooda iyada oo sheegtay in Ciidamadeeda gaarka ah ay xoog ku soo furanayaan.
Kenya ayaa 100 Dhaqaatiir Cuban ah ka shaqaaleysiisay dalkeeda markii ay dhaqaatiirta gudaha sameeyeen gadood shaqo joojin ahaa sanadkii hore.
Recent Comments